Masraxiyaddii Aqoon Iyo Afgarad: Musdambeed Taariikheed
Ships in 1-2 Days
Free Shipping in India on orders above Rs. 500
Ships in 1-2 Days
Free Shipping in India on orders above Rs. 500
Masrixiyaddanwacyigelinteedu waa mid waageedii ay ka curatay iyo kan maanta la joogaba ku habboon. Waxyaalaha ay tooska u abbaartay waxaa ka mid ah tilmaamidda in ka mid iimihii gumeystayaashii ay kaga tageen dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyo kuwii la yimid isbeddelka nolosha bulshada casriga ah. Waxaa ka mid ah: doorsoonkaaf, dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ee gaadhay ilaa loo soo joogay in jiilkii la filayay in uu dadlka iyo dadka xornimada curdinka helay horumar la taaban karo gaarsiiyo ay iyagiiba is af garan waayeen, dadkoodii ay u adeegi lahaayeenna aanay sidaa oo kale isu af garanayn. Loollankii ka dhexeeyay fikradihii siyaasadeed ee Bari iyo Galbeed iyo saamayntii tabnayd ee ay ku yeesheen manhajka iyo majaraha waxbarasho ee dhallinyaradii dibadaha waxbarashada u aaday dabadeedna dalkii dib ugu soo noqday iyaga oo kala sita cinwaanno culculus oo diktuur, dhoktor iyo ditoore ka wada kaca. Waxay ka turjumaysaamasraxiyaddu sheeko gudbinaysa qoys Soomaaliyeed oo reer miyi xooladhaqato iyo beeraleyba ah oo saboolna ah. Qoyska dhanna u ma fayooba Caafimaadkiisu ma fiicna, xooluhuwaa ay ka wada bukaan, xagga daryeelkana waa uu ka liitaa.Qoyskaa kuwii dad iyo duunyo in ay u badbaadshaan laga dhawrayay waa kuwaa is af garan la' lana af garan la'yahay Dhanka kale, Aqoon iyo Afgarad xagga yididdiilada qumman iyo ifinta rejajooyinkii soo fool lahaa ka ma ay madhnayn. Waxa ay sii oddorostay horumarro ay ka mid ahaayeen hirgelintii qoridda Af Soomaaliga rasmiga ah ee aynnu hadda adeegsanaynno. Waxa kale oo ay masraxiyaddu halbeeg qumman diiradda ku saartay in badbaadada iyo horumarinta dal iyo dad aan looga sokeyn laguna dhaamin jiilka daljirka ah ee afkooda hooyo kaga haqab beela aqoonta dadkooda iyo dalkoodu u baahanyihiin. Iimihii la yimid isbeddellada bulshada casriga ah ee dhinacyada badan leh, sida dawladnimada cusub iyo fahankeeda, magaalowgii Soomaalida ku sii baahayay iyo noloshii sii murgaysay ee cillanaanta badan iyo kala danaysiga aan la isu turayn la timid ayay masraxiyaddu dhan kale ka tilmaamaysay. Intii ay waagaa tilmaamaysay iyo iyo dheeraadba maanta waa ay taaganyihiin. Sidaa awgeed, AQOON IYO AFGARAD wali waa halkeedii.
Saciid Saalax Axmed waxa uusannadkii 1945 oo ku aaddan dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka ku dhashay guri miyi, halka lagu magacaabo Samawacad oo ku taal casha dhexe ee buuraha magaalada Laas Qoray korkeeda dhaca, Gobolka Sanaag. Waxa uu ka dhashay qoys Soomaaliyeed oo reer magaal-xeebeed ah asalka Maahkir, isla markaana reer miyi xoolo raacato ku lug leh ahaa. Xagga waxbarashada, dugsiga hoose waxa uu ka dhigtay isla Laas Qoray iyo Ceerigaabo, kan dhexena dugsigii caanka ahaa ee Dayaxa. Dugsiga tababarka macallimiinta waxa uu ku qaatay dugsigii sare ee Cammuud. Jaamacadda Ummadda waxa uu ka baxay Kulliyaddii Waxbarashada ee Lafoole (Biology/chemistry). Waxa uu ka mid ahaa hormadii ugu horreysey ee sanadii 1968 kulliyaddaa lagu furay. Saciid Saalax waxa uu Wasaaraddii Waxbarashada iyo Barbaarinta ka soo maray bare dugsi dhexe, bare dugsi sare iyo bare jaamacadeed oo uu isla Lafoole muddo gaaban wax ka dhigay. Waxa uu soo qabtay xilal maammule dugsiyo sare, machad macallineed ilaa iyo Agaasimaha Waaxda Barbaarinta oo isagu soo unkay. Saciid Saalax waabare shaqadiisa dhab ahaaneed ee uu ku faano, taa oo uu ku la baxay "Macallin Saciid." Labaatankii sannadood ee u dambeeyey, ilaa hadda, waxa uu macallin ka ahaa Dalka Maraykanka, Gobolka Minnesota. Sannadkii 2012 ayaa ay u buuxsantay 50-guuradii shaqadiisa macallinnimo. Xagga hal'abuurka, Saciid Saalax fanka iyo suugaanta waxa uu ku bilaabay qoyskooda dhexdiisa, dabadeedna dugsiyadii waxbarashadiisa oo dhan waa uu la socday. Waxa se uu si fiican ugu xididdaystay markii uu Lafoole oo ahayd goob aqoon iyo fan badan kulmisay galay. Waxyaalaha ugu waawayn ee lagu yaqaan dhankaa waxaa ka mid ah Kooxdii Iftiin ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta oo uu aasaaskeedii, tababarradeedii iyo hal'abuurkeedii ka soo hawl galay, taa oo ka mid ahayd qaybaha Waaxda Barbaarinta ee uu agaasimaha ka ahaa ilaa la soo gaaray bilawgii Dagaaldii Sokeeye. Saciid Saalax waxa uu hadda deggenyahay dalka Maraykanka, halkaa oo uu bare sare (af Soomaali) ka yahay Jaamacada Minnesota (Magaalooyinka Mataanaha ah).
• Author(s): Clear | James • Publisher: Penguin • Publisher Imprint: Penguin Random House • Subject: General Books
• Author(s): Jeff Kinney • Publisher: Penguin Random House Children's UK • Publisher Imprint: Penguin Random House Children's UK • BISAC: Comics & Graphic Novels - Humorous
• Author(s): Ichiro Kishimi • Publisher: GROVE ATLANTIC • Publisher Imprint: Allen & Unwin • BISAC: Personal Growth - SuccessIchiro Kishimi lives in Kyoto. He writes, lectures and teaches in psychiatric clinics as a certified counsellor and c...
View full details• Author(s): Chetan Bhagat • Publisher: HarperCollins Publishers India • Publisher Imprint: HarperCollins Publishers India • BISAC: GeneralFrom India's top-selling writer Chetan Bhagat comes a powerful new love story that will make you laugh, cry...
View full details• Author(s): Brianna Wiest • Publisher: Manjul Publishing • Publisher Imprint: Amaryllis • BISAC: Body Mind And SpiritThis is a book about self-sabotage. Why we do it, when we do it, and how to stop doing it—for good. Coexisting but conflicting n...
View full details• Author(s): Morgan Housel • Publisher: Pan Macmillan • Publisher Imprint: Pan Macmillan • BISAC: Finance - Wealth ManagementA third book from the International bestselling author of The Psychology of Money and Same as Ever, lessons on harnessing...
View full details• Author(s): Arundhati Roy • Publisher: PRH INDIA LOCAL PRINT • Publisher Imprint: Penguin Hamish Hamilton • BISAC: Literary Figures
• Author(s): Acharya Prashant • Publisher: HarperCollins Publishers India • Publisher Imprint: HarperCollins Publishers India • BISAC: GeneralIn a world where vagueness is mistaken for depth and obscurity passes for wisdom, Truth without Apology ...
View full details• Author(s): Sudha Murthy • Publisher: India Puffin • Publisher Imprint: India Puffin • BISAC: Short StoriesWho can resist a good story, especially when it's being told by Grandma? From her bag emerges tales of kings and cheats, monkeys and mic...
View full details• Author(s): Satoshi Yagisawa • Publisher: Bonnier Books Ltd • Publisher Imprint: Bonnier Books Ltd
• Author(s): Newport, Cal • Publisher: Little, Brown Book Group • Publisher Imprint: Piatkus
• Author(s): Shrijeet Shandilya • Publisher: Ebury Press • Publisher Imprint: Ebury Press • BISAC: Romance - GeneralIn the electric haze of college life, three friends are bound by laughter, late-night talks and unspoken promises. But when two of...
View full details• Author(s): Dan Brown • Publisher: Transworld Publishers Ltd • Publisher Imprint: Transworld Publishers Ltd • BISAC: Thrillers - EspionageDan Brown is the bestselling author of Digital Fortress, Deception Point, Angels and Demons, The Da Vinci C...
View full details• Author(s): Sudha Murty • Publisher: India Puffin • Publisher Imprint: India Puffin • BISAC: Action & Adventure - General
Rich Dad Poor Dad: What the Rich Teach Their Kids about Money That the Poor and Middle Class Do Not!
• Publisher: Penguin • Publisher Imprint: Penguin Random House • Subject: General Books • BISAC: Personal Finance - GeneralApril of 2022 marks a 25-year milestone for the personal finance classic Rich Dad Poor Dad that still ranks as the #1 Pers...
View full details• Author(s): Dale Carnegie | Napoleon Hill • Publisher: Fingerprint • Publisher Imprint: Fingerprint • Subject: General Books
• Author(s): Freida Mcfadden • Publisher: Penguin Select Print • Publisher Imprint: Penguin Select Publishing"Multi-Million Copy Bestselling Series •Now Being Made Into a Major Motion Picture Starring Sydney Sweeney and Amanda Seyfried #1 New Yor...
View full details• Author(s): Wonder House Books • Publisher: Wonder House Books • Publisher Imprint: Wonder House Books • BISAC: Comics & Graphic Novels - Fairy Tales, Folklore, Legends & MTimeless Wisdom, Talking Animals & Life Lessons for Young Min...
View full details• Author(s): Viktor E. Frankl • Publisher: Random House • Publisher Imprint: Random Hou • Subject: Medical, Nursing and Health Sciences
• Author(s): Madhavi Bharadwaj • Publisher: PRH India • Publisher Imprint: Penguin Ebury Press • BISAC: Parenting - MotherhoodWelcome to the wild, messy, wonderful world of parenting--where the nights are long, the diapers are explosive, and unso...
View full details• Author(s): Vir Das • Publisher: HarperCollins Publishers India • Publisher Imprint: HarperCollins Publishers India • BISAC: Entertainment & Performing ArtsComedian and actor Vir Das is beloved (by some, tolerated by others, blocked by a few...
View full details• Author(s): Eric Carle • Publisher: Penguin Books, Limited (UK) • Publisher Imprint: Penguin Books, Limited (UK) • BISAC: Animals - Butterflies, Moths & CaterpillarsEric Carle's The Very Hungry Caterpillar is a perennial favourite with child...
View full details• Author(s): Prajakta Koli • Publisher: Harper Fiction India • Publisher Imprint: Harper Fiction India • BISAC: Romance - ContemporaryWinner of the Amazon India Popular Choice Debut Book 2025 Award. From one of India's most-loved creators comes s...
View full details